BEEKEEPING – DHAQIDA IYO XANAANAYNTA SHINIDA- تربية النحل –

Cilmiga lagu tixraaco barashada shinida ayaa loyaqaan (APICULTURE) fani hoosedkan aya waxa kamida wax yaabaha ugu mihiimsan ee uu daraseeyo dhaqida iyo xanaanaynta shinnida (breading of honey bees , and beekeeping تربية النحل),cilmigan ayaa hoostaga faniga loyaqaan ENTOMOLOGY
haddaba an wax yar eegno SHINNI wa ayo maxayse faaido leedahay

-Shinnida ayaa ah mid alle caza wa jalla uu kutilmamay qura,ankisa kariimka ah iyado loogu magacdaray suurad kaamila fadligeeda iyo waxtarkeeda lagushegay
يقول الله عز وجل في سورة النحل: “وأوحَى ربـُّكَ إلى النحلِ أنِ اتخذي منَ الجبالِ بُيوتًا ومنَ الشجرِ ومما يَعرُشون (68) ثم كُلي من كلِّ الثمرات فاسلُكي سُبُلَ ربـِّكِ ذللاً يخرج من بُطونِها شرابٌ مختلفٌ ألوانُهُ فِيهِ شِفَاءُ للنّاسِ إنَّ في ذلكَ لآيةٍ لِقَومٍ يَتَفَكَّرُون(69)
an is yar dul taagno dhanka sayniiska oo an meelaba kadhaafayn fadaaisha ay suuradu sheegtay taaso ah mucjizka qura,anka

—SHinidu waa mid kamida uguna mihiimsan hababka inga caawiya talaalida\faxlida ubaxa (Pollination flowers تلقيح أزهار), dhirta midha layda ah ( fruits trees الأشجار المثمرة), iyo qaar kamida dallaga iyo midhaha (crops and vegetables المحاصيل والخضراوات)
waxana lagu qiyaasa soo saarka ay kaqayb qaadato shinid dalagyadas in an kayareen 25% taasna waa faaido aad ubaladhan oo ay shinidu kaqaybqadato dhanka faxalka dalagyada kala duwan
—Sidoo kale shinidu wa dariiqada qudha ee soosarida MALLABKA (For the production of honey لإنتاج العسل) kaaso aanu
ilawi karin ruuxi cunnay\cabbay

FAAIDOOYINKA SHINNIDA
———————————
—MALLABKU

waxa uu uleeyahay bini -aaddamka faidooyin an lasokoobikarin ,waxana kamida faidooyinkaas isago kadawo ah xanuuno badan ,sidookale laga sameeyo alaaboyin kaladuwan oo uu bini -addamku u adeegsado siyaabo kala duwan, waxana kamida kuwan soosocda
1,حبوب اللقاح Pollen waa manka loo adeegsado in lagu talaalo ubaxa
2.سم النحل Bee venom
3.شمع النحل، beeswax shamaca shinida lagasameeyo
4.البروبوليس Propolis
iyo waxyaabo badan oo loo adeegsado qurxinta jidhka

–Pollination flowers

Shinida iyo degaanku wa kuwo saaxiib ah an marnaba kala faaruqin taa macnaheedu waxay tahay shinidu waxay kaqaybqadata 75% tallaalka dhirta kala duwan ee looyaqaan (Cross pollination of plants operations عمليات التلقيح الخلطي للنباتات)
waxa la orankaraa shinidu waa cayayaanka ugu caawimada baddan dhanka degaanka

-beneficial insect cayayaanada faaidoyinka leh

Shinida waxa lagu tiriyaa dhinaca bahbahaynta cayayaanka inay tahay CAYAYAANKA FAIDADA LEH (beneficial insects)
waana cayayaanada sameeya waxa looyaqaano afka qalaad (POLYMORHISM)
Polymorphism waa habka u cayayanka nooc qudhi ujirikaro saddex nooc ookala duwan marxalada looyaqaan qaangaadhka dhamayska tiran ama (adult stage-ka)
Shinidu waxay ujirtaa saddexda nooc ee kala ah
-Queen oo ah qaybta bacramismata ama (Reproductive) ah
-Drone waa qaybta Labba ka e shinada (Male part)
-Workers waa qayba shaqaalaha ah ee ad inbadan aragto iyagu ku dul wareegaya
qaybahan shinida mahan wax qoraal kan oo kale aan kaga bogan
karo sida ay ushaqeeyan iyo waxa ay kala qaabilsanyihiin

– ABLA ABLAYNTA SHINIDA
———————————–
Sidoo kale shinidu bahwaynka heer cayayaaan waxay kaga jirtaa inagoo wada og inay bahda cayayaan ay katirsantahay boqortooyadeena xayaawan (kingdom animalia المملكة الحيوانية)
Cayayaanku waxay kasii noqdaan fasalka oo loyaqaan lix lugood layaasha (class of insecta )
shinidu hadaba tartiibta waxay kusii abtirsataa qolo layiraahdo (HYMENOPTERA) oo ay isku bahaystaa cayayaan ay kamid yihiin Qudhaanjada (ANTS), Dibirada (WASPS) Iyo qaar kalo badan
hadaba qoladan aaya laysugu daraa inay leeyihiin BAAL JILEEC (membrane)

MEERTADDA NOLLOLEED EE SHINIDA
(LIVE CYCLE)
——————————————————
-Shinida iyo guruubkeedan baal jileecyada ah oo intooda badan lagu tibaaxo inay yihiin kuwo faaido uleh dalagyada (beneficial insects), degaanka bini-addamka ayaa waxay meertadooda nolloleed kudhamaystaan mid dhamaystiran ama waxa loguyeedho dhinaca cilmigga (complete metamorphosis)
-habkan dhamayska tiran ee cayayaanka qaarkood umaraan sia ay meertadooda nolloleed udhamaystaan ayaa wuxu maraa afar hab
1- egg waa marxalada ugxanta uu cayayaanku kujiro
2- larva caydi wa marka u ka koro ugxan uuna uso gudbo marxalada labaad taaso ah mida ay ugu khasaaraha badanyihiin cayayaanka qaarkood
3 -pupa waa marxalada sadexaad oo u cayayaanku kudhowaado inuu qaan gaadho marxaladan cayaaynka intiisa badani waxay galaan dhuumasho
4- adult waa marxalada uu cayayaanku noqdo mid u eekadda waalidkii

CONTINUE…

BY ,,,saed hassan abdurahman

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s