DACAR-BIYOOD (Somali aloe – Aloe somaliensis)

Aloe somaliensis received the Award of Garden merit (AGM) from the Royal Horticultural Society in 1994.

Dacar-biyood (Somali aloe - Aloe somaliensis) waxa la dhihi karaa waa tan ugu quruxda badan noocyada kala duwan ee dacaarta (Aloe species). waxaa loo diiwaan galiyay laba magac, mid guud (common name) iyo mid cilmiyeed(scientific name ). Waxay asal ahaan kabaxdaa Waqooyiga Soomaalia (Somaliland) iyo jabuuti (Djabuuti) waxay sidookale kufidsantahay ilaa xuduuda Itoobiya ( Ethiopia )

Dacar-biyooddu waxa ay kabaxdaa dhul balaadhan oo joogiisu gaadhayo inta udhaxaysa 1400-1700 meters. waxay kabixi kartaa Farcaddooyinka, meelaha dhagax-nuuradeedka laga helo, iwm

Hadaynu sifiican u abla-ablayno (CLASSIFICATION) Dacar-biyoodda, inagoo soo koobayno, Waxaa loo kala saaraa

Bah (Family): Xanthorrhoeaceae
Bahyar (Subfamily): Asphodeloideae
Duul (Genus): Aloe
Sinji (Species): somaliensis
Common name: Somali aloe
Scientific name: Aloe somaliensis

DHIBAATOOYINKA SOO WAJAHAY DACAR-BIYOODDA

Dacartan soomaaliya ay asalka uleedahay markii uhoreeysay 1899-ki waxaa wax ka qoray caalimki ladhihi jiray William Watson.
Nasiib xumo se dhamaan noocyada dacar-biyooddu (Aloe somaliensis) hay'adda caalamiga ah ee shaqadeedu tahay ilaalinta deeggaanka ee marka lasoogaabiyo magaceeda ladhaho IUCN waxa ay si ba,an uga digtay xalufinteeda, iyadoo lagu sheegay sababta in ay jiraan dad siba'an uga ganacsado iyo xoolaha oo looga dhigo qudhaab rasmi ah.

Dacar-biyooddu waxaa lagu beertaa jirdiimooyinka iyadoo lagu qurxinayo bilicda guryaha, se waxa nasiib darro ah in haba yaraatee anay ka oolin wax midho-abuureed ahi (seeds) meelaha lagu kaydiyo seeds-ka (no seeds at the Millennium Seed Bank, Kew).

TILMAAMAHA GEEDKA

Dacar-biyooddu (Aloe somaliensis) waa mid aan lahayn jirid ama jirrid yar leh, Midbkeedu wa cagaar dhalaalaya ama bunni. Caleenteedu waa mid aad ujilicsan,waxana dherer ahaan lagu qiyaasaa 4mm..
Midhaheedu waxa ay kasamaysmaan laamaha kafarcama jirridda. waxa uudhererkoodu gaadhayaa 80-60c..
Ubaxyadu waxa ay muuqaal ahaan u eegyihiin dhululubada laga helo xagga hoose ee geedka, waana kuwo dhererkoodu kala duwanyahay, midabkooduna waa wardi.
HABKA LOO BEERO DACAR-BIYOODDA

Dacar-biyoodda waxa lagu beeri karaa cimillo kasta oo kabaxsan cimilladda Mediterraneanka. waxa lasheegaa in lagu beeri karo meelaha sida tooska ah ay qoraxda falladhaheedu ay ugu dhacayso, laakiin waa in la hadheeya ama hadhsimo loosameeya maalintii marka ay xoog cadceedu u kulushahay. Waxa lasheegaa in ay ku haboontahay beerideeda ciida qoyaanka xigta ee aan aadka qalaylka u ahayn. waxaa sidoo kale lagu taliyaa in dacar-biyoodda loo waraabiyo si jadwalaysan uguyaraan sannad ka hor inta ay lugaheeda ku istaagayso.

BY. Saeed Hassan 
 

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s